Dhageyso:-10 Qof oo ku dhintay Jalalaqsi iyo xaalad adag oo ka taagan degmadaasi

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in cudurka Shuban Biyoodka uu ka dilaacay degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdi Fiidow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in degmadaasi saacadihii la soo dhaafay ay cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyoodeen ku dhawaad 10 Qof.

Waxaana uu intaasi ku daray guddoomiyuhu  in tiro kale ay la jiifaan Isbitaalada cudurka Shuban Biyoodka.

Guddoomiye Fidow ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iyo dowladda dhexe in loo soo garmado dadkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.