Dhageyso:-Al Shabaab oo la sheegay in dhaqaalo ay ka helaan dhoofinta Dhuxusha Kismaayo

0

Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka aya sheegay in Al Shabaab ay dhaqaale ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana uu tilmaamay sarkaalkan in ay cadeymo u hayaan arrintasi, isagoona ku eedeeyay maamulka Jubbaland in uu wax ka ogyahay arrimahaasi.

Korneyl Rufle ayaa carabka ku dhuftay in haatan Doomo sida dhuxul ay ku soo xirtreen Dekedda Kismaayo, kuwaas la’ogyahay sida uu sheegay in Al Shabaab ay u raran yihiin.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.