Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo

0

Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyed (Somali Medical Association) Dr. Maxamed Yuusuf iyo xubno la socday oo uu ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee ururkaas Dr. Hassan Habibulah ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Ujeedada safarka wafdigan ayaa ahaa sidii ay kulamo xog wareysi iyo isbarasho ula qaadan lahaayeen ururka Dhaqaatiirta Galmudug oo munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameeyey Gaalkacyo.

Xoghayaha Ururka dhaqaatiirta Galmudug Dr. Cabdirisaaq Cali Maxamed oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay ujeedada ururka loo aasaasay iyo waxyaabihii u qabsoomay intii uu jiray oo ay ugu dambeysay howlgelintii Isbitaalka degaanka Bandiiradley oo Ururku uu dhaqaatiir geeyay.

Sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyay xarumaha ururka isagoo xusay in ururku uu Gaalkacyo ku leeyahay xarun balse xaruntiisa dhexe ay ku taallo Magaalada Cadaado xili dhowna loo guuri doono halkaas, isagoo xusay in dhaqaatiirta kale ee jooga magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo Guriceel dhamaantood ay ku mideysan yihiin Ururka.

Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Prof. Mohamed Yusuf oo hadalka qaatay markiisa ayaa soo dhoweeyay Ururka kana mahadceliyay sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyay.

“Gaalkacyo waxaa iigu dambeysay 1958 ma fileyn inay sidan isu bedeshay, ayna ku nool yihiin dhaqaatiir tiradoodu gaareyso 39 dhaqtar, waxaan soo dhaweynaynaa ururka dhaqaatirta Galmudug, halkaana waxaan u nimid sidaan xiriir wada shaqeyn u yeelan laheyn, howlo badanaa na sugaya waxaana uga bixi karnaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo mideysan, haddii ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay Xamar kaliya ku ekaadan wuxuu noqoneyaa urur u dhisan Gobolka Banaadir sidaa darteed ayaan usoo baxnay dhamaanna u tagi doonaa maamul goboleedyada kale Insha allah” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf oo si weyn u amaanay hogaanka mideysan ee ay sameysteen dhaqaatiirta ku sugan degaanada Galmudug iyo dedaalka ay muujiyeen.

Xoghayaha Guud ee ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Hassan Habibulah ayaa intii uu kulankaas socday si hufan uga jawaabay su’aalo la xiriiray howlaha ururka kuwaasoo ay weydiiyeen qaar ka mid ah dhaqaatiirtii goob jooga ahaa, waxaana gebagebadii kulankaas yimid Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug oo soo dhoweeyey wafdiga ka socday ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, waxaana kulankaas uu ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan.