Meydadka Muhaajiriin Afrikaan Ah Oo Laga Helay Xeebaha Morocco

0
15

Illaa iyo 20 Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa Meydadkooda laga helay Xeebaha u dhaxeeya dalalka Spain iyo Morocco.

Sida ay sheegtay afhayeenad u hadashay dowladda Spain kooxaha gurmadka ayaa Badda Mediterranean ka soo helay Meydadka tahriibayaal gaaraya illaa iyo 20-tan, kadib markii ay ka war heleen in Muhaajiriintaasi Doonidii ay saarnaayeen ay kula degtay xeebaha dalka Morocco.

Afhayeenada ayaa intaasi ku dartay in baaritaano kale oo dheeraad ah ay wadaan taas oo ay ku baadi goobayaan Meydad kale oo weli ku maqan halkaasi.

Hay’adda dhanka Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in dalka Spain uu noqday meesha labaad ee Muhaajiriinta ugu badani ay ka soo galaan Qaradda Yurub.

Waxaana hay’addu sheegtay in Sanadkani bilaawga kaliya ay gaareen Spain Muhaajiriin gaaraya 1,279 Qof, iyadoona uu ka badan yahay dalka Talnaaniga oo ay tageen 4,256 Qof.

Qul qulka tahriibayaasha Dalalka Afrikaanka ah oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa had iyo jeer safar halis ah ku gala Badda Mediterranean ee xiriirisa dalalka Qaaradaha Afrika iyo Yurub, iyadoona inta badan Doomaha ay saaran yihiin ay ku dagaan Bartamaha Badweynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here