Mid ka mid ah Guddoomiyeyaashii soo maray Buulo Burte oo xalay lagu dilay Beledweyne

0
5

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay ku dileen mid ka mid ah Guddoomiyeyaashii hore ee soo maray degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka abaarihii salaadii cisho xalay ayaa kooxo bastooladley ah ay dileen Allaha u naxariistee Cabdi Iidow Sabriye oo soo noqday Guddoomiyaha degmada Buulo Burte, xilligii dowladdii C/llaahi Yuusuf.

Marxuumka la dilay ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa Culimada Tabliiqa ee si weyn looga yaqaano magaalada Beledweyn, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay salaadii cishaha.

Kooxihii dilka ka dambeysay ayaa baxsaday, waxaana ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ay sameeyeen howl galo, balse uma aanay u suura gelin inay soo qabtaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Dhinaca kale waxaa xalay qarax xooggan laga maqlay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo magaalada Beledweyn, qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku geeriyooday ninkii aasayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here