Qoys Soomaaliyeed Oo Ka Cabanaya Dhul Boob Lagu Hayo

0

Dhaxaltooyada Reer Muudey Raamoole ayaa ka cabanaya Dhulboob xoogan oo ay ku hayaan Shaqsiyaad ay sheegeen in ay ka goos haystaan Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Cabdiqaadir Muudeey Raamoole oo ka mid ah dhaxaltooyadaas ayaa hoosta ka xariiqay in Nin Lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Caato kuna Magac dheer Suldaan uu boobayo dhulkooda  islamarkaana uu u soo adeegsaday Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka degmada Wadajir Axmed Diiriye kaas oo uu sheegay si boobka ka dhanka ah dhulkooda uu u xalaaleeyo Xabsiga u taxaabay.

Dhinaca kale Cabdiqaadir Muudeey Raamoole ayaa cod dheer ku sheegay in aysan diyaar u ahayn dulmi oo ka mid ah waxyaabaha uu alle xarrimay , sidaas daraadeedna ay uga digayaan dadka uu sheegay in ay u soo tafa xeeteen boobka ka dhanka ah dhulkooda.

Ugu dambeyn Mahdi Muudeey Raamoole ayaa  isna ugu baaqay dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha dowladda  in ay wax ka qabtaan boobka ka dhanka ah dhulkooda  isagoo uga digay dadweynaha Soomaaliyeed in ay ku kadsoomaan dhulkaas oo ah dhaxaltooyo uu uga tagay Aabahood Muudeey Raamoole.

Boobka ka dhanka ah Dhaxaltooyada Reer Muudeey Raamoole ayaa la sheegay in ay kaalin weyn ku leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wadajir gaar ahaan Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulkaasi Axmed Diiriye taas oo waji gabax ku noqoneyso Maamulka degmadaasi oo aan illaa iyo iminka wax war ah ka soo saarin Cabashada dhibanayaashaasi Reer Muudeey Raamoole.