Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay xarunta Aqalka dowladda Hoose, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la keenay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka, isagoo warbixin kooban ka dhageystay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow, sida ay u socoto howlaha kale ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan oo albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Gobolka Banaadir iyo shaqadii socoto, maadaama Maamul cusub dhowaan loo soo magacaabay Gobolka Banaadir.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa kii u horeeyay ee uu ku tago, tan iyo markii la magacaabay Guddoomiye iyo Kuxigeeno cusub, waxaana jirtay in dhowr jeer oo hore uu tagay Xarunta Gobolka Banaadir, xilligii Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa qeyb ka ahaa khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa Gobolka Banaadir, kaasoo markii dambe ay xilka ku waayeen Guddoomiye Taabid iyo kuxigeenadiisa.