Sheeko Jaceyl:- WEY ISIRTAY ILEEN WAA LA QABAA (Qeybii 2-aad)

0

Siddeeddii fiidnimo iyo qaddar daqiiqado ah ayaa waxaan soo istaagay meel aan sidaas uga fogeyn waddada loo yaqaano 12street ee ku taala xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Easleigh Nairobi, halkaas oo ay ballantu ahayd inaan isa soo taago, cabbaar haddii aan taagnaa halki ayaa waxa meel dhinaceyga ah iiga yeeray nin taxi driver ama taksiile madow ah Kuja happa markii an dhankiisa soo eegay waxaaba gacanta la iiga haatinayaa taksiga gudihiisa, waxaan isku dayay inaan aqoonsado ruuxa ii gacan haatinaya ee ku dhex jira gaariga yarka ah dhexdiisa. Indhaha ayaan ku taagay dhinacii gaariga hase yeeshee ma aqoonsan ruuxa uu yahay, anigoo damacsan inaan dib u majiirto ayaan misana maqlay,”Saxardiid walaal macaan maxaa ku helay ma igaran weyday, waa Warise??????”!!!!!!!!!!

 Markii aan intaas maqlay ayaan mar kale xaggii gaariga u soo dhaqaaqay,waa gaari nooca loo yaqaano SPEED oo ah nooca ugu badan gawaarida taxi ahaanta looga adeegsado magaalada Nairobi,daaqadi dhankeyga soo xigtay ayaa la iga furay ,soo gal walaal see tahay??????? Ayay itiri Waris oo ahayd qofkii markii horeba ii dhawaaqayay ee gaariga dhexdiisa iiga gacan haatinayay ana isma lurine inta tartiib gaarigii u dhexgalay ayaan fariistay. “Haye Saxardiid ma soo raagay mise waqtigii ayaan ku imid ayay markiiba hoosta iga gelisay Waris iyadoo dhoolla caddeyneysa”….!!!!! “Maya Waris ” inta iri ayaan dhinacii kale u sii jeestay.

Nin xoog weyn oo wade ka ahaa gaariga ayaa markiiba inta marsho ku tuuray si xawli ah gaarigii u dhaqaajiyay,cabbaar haddii aan sii soconay waxaan gaarnay meel lagu macaabo JAVA oo ah meel laga cabo Cafega dadkuna ku nastaan taasoo ku taala bartamaha magaalada. Waxaan fariisanay meel gees ah oo dhabarka dambe ku haysa shabaq ka sameysan fiilooyin la isku maray waxaa fiilooyinkaas ku tidcan dhir midaba badan ka kooban, laan kasta oo dhirtaasi ka mid ah waxaa ku dhexjira nalal marba midab isku rogaya, dhinaca geesta ah ee midig waxaa naga fadhiya laba ruux oo caddaan ah oo midkood koofiyadda uu sito uu ku sawiran yahay calanka dalka Ingiriiska, dhanka kale ee bidixda waxaa naga xigay afar ruux oo laba kamid ahi ay tahay Hindida deggan dalkaan, labada ruux ee kalena ay yihiin Kenyan,dadka meesha fadhiya dhamamantood waxaa isugu baxeysa sheeko.

Hadal badan kama yeerayo goobta dadkuna iskuma mashquulayaan qolo waliba waxay ku sii jeedaa danaheeda. Haddii goobtii aan fadhinay qiyaastii nusa saac sheekooyin xiisa badanina noo billowdeen aniga iyo Waris , ayay Waris si iskeed ah iskaga qaadday indha shareerki ay wadatay anigoo aan ka codsan waa gabar haybad iyo qurux alle u dhameeyay nin dhaayaha saaraa indhaha kama qaado,waan is celinwayaay waxaan ku iri MASHA ALLAAH,quruxleydeena ALLAHA noo kaa daayo, Waris,iyo aniga habeenkaas waxaa na dhexmartay sheekooyin aad u xiisa badnaa oo runtii isugu jiray qosol iyo kaftan, qof waliba markiisa uyuu qaadanayay sheekada,waxaan u sheekeysanaynay laba ruux oo aad u maleyso in mudo badan ay is yaqaaneen. Waxay iga wareysatay nolosheyda,iyadana sidoo kale waxay iiga warantay nolosheeda iyo muraadka ay Nairobi u joogto, waxay ii sheegtay in halkaan ay joogto in kabadan shan sanadood markaasoo ay ka timid Soomaaliya, waxaan weydiiyay in ay tahay xaas iyo in kale hase yeeshee waxay iigu jawaabtay haahahahaa……!!!!! “Hee aboowe macaane maxay kula tahay oo aad igu qiyaasi lahayd haddaan tijaabiyo aragtidaada”?…… Inta si dhaba u eegay oo aan u dhoola caddeeyay ayaan si kaftan ah waxaan ugu celiyay hahahahhh…..Waxay ila tahay qof adiga ookale quruxdaan dabiiciga ah rabbi ugu deeqay magaaladaanna jooga inaysan madax banaan ahayn, inta qosol dhag ka siisay ayay itiri tijaabadaas waad ku dhacday saaxiib, Cabbaar yar inta aamustay ayay misana ii sii raacisay dumarka la qabo astaamo lagu garto miyay leeyihiin?…….!!!!!!.” Koley waxay ila tahay laga yaabee” inta ku iri ayaan waxaan weydiiyay haddii aysan nin lahayn in ay saaxiib laeedahay inta indhaheeda igu soo taagtay haddana muusootay ayay igu tiri eray hadalhaysa ay ka dhigteen hablaha maanta nool dhagaheyguna ka daaleen kaasoo aha ” Adiga ma kula tahay in baladkaan laga helaayo nin naftaada lagu aamino” .????????,….

Runtii markaan warkaas ka maqlo gabdhaha waxaan is iraahdaa talow duulkaan ma meel baa wax loogu sheegay ?……Mise waxay qeyb ka tahay sheeko baraleydii ahayd “Dardaarankii ayeydood Caraweelo anigoo aan wali ka jawaabin suaashii ay iweydiisay ayaa waxa horteena soo istaagtay gabar…………..Waa socotaaaa la soco qeybta 3-aad insha allaahu….

W/Q:Abdisamad Abdulkadir Farah (Hanad)..
Email:- Cabdisamad111@gmail.com