Sheeko Jaceyl:- WEY ISIRTAY ILEEN WAA LA QABAA (Qeybii 3-aad)

0

Runtii markaan warkaas ka maqlo gabdhaha waxaan is iraahdaa talow duulkaan ma hal meel baa wax loogu sheegay ?……Mise waxay qeyb ka tahay sheeko baraleydii ahayd “Dardaarankii ayeydood Caraweelo anigoo aan wali ka jawaabin suaashii ay iweydiisay ayaa waxa horteena soo istaagtay gabar ka mid ahayd hablihii ka adeegayay baarka waxay noo keentay dalabkii aan u dirsanay aniga waxaa la ii keenay shaah iyo sandwich ka sameysnaa qudrad cheese iyo malaay Warisna waxaa loo keenay chips with chicken “Thanks Madam” ayaan ku iri gabadhii adeega noo keentay..………”Een waxaan rabaa inaan kuu sheego Saxardiidoow, markii aan runta kaala hadlo waa sida aad sheegtay aniga ALLAH wuu isiiyay qurux inti igu filan hase yeeshee, aaway ninkii aan isku aamini lahaa waad ogtahay xilliyadan dambe raggii waxay noqdeen waraabayaal waadna ogtahay waraabuhu hilibka waa inta uu ka arkayo horuu ka dafayaa “inta qosol ku dhufatay ayay misana aaway hee ninkii I hanan lahaa adigaa lagaa rabaa ka jawaab su’aashaas saaxiib”

Xaqiiqdii waan rumeystay hadallada ay iisheegaysay Waris maxaa yeelay waxay iigu muuqatay gabar aad u degan, waxay kamid ahayd macaamiisha lacagaha biilka sida joogtada ah uga qaata xarunta xawaaladda ee aan ka hawlgalo, qaasatan counterka aan aniga lacagaha ka bixiyo ayay si joogta ah ugu xirnayd , intaas aan dusha ka aqaanay wali kuma aan arag wax xadgudub dhacdhac ama fudeyd ah. bisha ay ugu yartahay waxay qaadan jirtay lacago caddad ahaan dhan 700$ (Todoba boqol oo doolar) bilaha qaarna waxaa loosoo diri jiray 1000$ (Kun doolar). inta badan lacagaha waxaa u soo dira nin jooga waddanka Australia. Markaliya ayaa waxaa niyaddeyda ku soo dhacay inaan weydiiyo caawa waxa ka dhexeeya amaba uu yahay ninka maadaama ay tiri xaas maahi cid aan saaxiib la ahayna ma jirto.

“Waxaad tahay Luul iyo dahab , waxaad tahay qof aad u sharaf badan waana runtaa waxa aad sheegtay laakiin waxaad adna xisaabta ku darsataa in aadamigu aanay isku mid ahayn dad xun iyo dad wanagsan labadaba ay ku jiraan ragguna waa sidaas ”. Intaa markii aan dhahay ayaan iri anna su,aal ma ku weydiin karaa Wariseey??……inta qososhay ayay igu tiri “caawa maxkamad miyaan saaranahay”????…Anna inta u muusooday ayaan ugu jawaabay” haddaan anigu maxkamad ku saaro ma dhib baad u aragtaa”,maya inta tiri ayay ii sii raacisay saaxiib i weydii su,aashii aad doonto, ana ma hakanee waxaan ku iri Wariseey walaal horta wax is weydiin ma xumee yaa waaye ninka lacagaha aad ka qaadato xawaaladda kuu soo dira?inta qosol ku dhufatay ayay iigu jawaabtay “”ALLAAH !!!! Saxardiidoow su,aasha aad heysaa ma middaa kaliya baa?”…”

“Waa badan yihiin su,aaluhuye adigu bal marka hore taa ka jawaab” ayaan si degdeg ah uguceliyay, “Waa walaalkey aanu isku hooyo nahay saddex gu, oo kaliya buu iga weynyahay waxaa uu ku nool yahay Australia, Axmed Yare waa walaalkeey si aada aan ujecelahay waanan ku faanaa caruurteena oo dhan aniguu iigu jecelyahay,intaa marki ay i tiri ayaan ku iri”,reer miyuu leeyahay calshaan xaas” ?.maya wax xaasa malahan laakiin dhawaan ayaan rabnaa inaan u dhisno gabar aan ilmo habreed nahay oo joogta Soomaaliya ayay hadalkeedii ku soo koobtay.

Sheeko aad u macaan oo u badneyd halka ay ku nooshahay iyo cidda ay la joogto ayay ii billowday, waxay ahayd runtii sheeko aad u xiisa badan, is barasho ayaa habeenkaa na dhex martay intii hore ka badan, waxaan ku qancay dhammaan jawaabihii ay ka bixisay weydiimihii aan su,aalay.

Waqtigu waa socday saacaddu waa abbaaro 11:00pm habeennimo, saacadda ayaan mar kale eegay waxaan ku iri Waris caawa ma halkan miyaan seexaneynaa. inta qososhay ayay i tiri maxaad ka daaheysaa oo aad ugu carareysaa xaafadda mise waa laguu joogaa.

Kaftankeenii ayaan sii wadanay illaa habeenkii kala barmay oo saacaddu isku xirtay 12:00 Habeennimo ee saq dhexe, Cabbaar kaddibna dib ayaan ugu laabanay xaafadaheenii. dabeecad iima ahayn in xilligaa aan ka maqnaado gurigayga ama aan soo jeed ku gaaro waa dhaqan igu cusub maxaa yeelay uma baran inaan soo jeedo saacadahaas oo kale sababatoo ah waxaan ku kallihi jiray shaqada waxaana caado ii ahayd badanaaba markii aan daaho ugu dambeyn inaan seexdo 10:00pm habeennimo.

Waxaan isu diyaariyay inaan seexdo haba sheegin waxaan dhex muquuray xusuus iyo inaan dib u soo celiyo sheeekadii caawa na dhex martay aniga iyo Waris , waxaan aad ula yaabay sida aan uga fakarayo gabadhaan igu cusub ee aan dabeeddeeda sida dhabta ah aan u aqoon , waxaa maskaxdeyda ka go,i waayay kaftankeedii badnaa iyo qosolkeedii,Cabbaar sidii aan u galgalanayay sariirta hurdana aan iska waayay ayaan maqlay Aadaankii salaadda Subax Subxaanallaah inta iri ayaan yaabay , waa habeenkii ugu horreeyay nolosheyda ee anoo soo jeeda uu aadaanku igu yeero in.dho isma galin habeenkaas , salaadii subax ayaan dukaday wax yar kaddibna waxaan isu diyaariyay shaqadii…..

Waris iyo aniga waxaan noqonay laba ruux oo aad isu xiriiriya joogto ayuu noqday kulankeenu, habeen hadii aanan kulmin waa qasab in habeenka xiga aan isu imaano, waxaan u qaaday jacayl dhab ah waxaan dareemay wax ka baddalan noloshii hore waxaan ka fakaraya xilli waliba iyada marki aan shaqada joogo markii aan xaafadda tago marki aan dhabbaha marayo iyo mar kasta oo aan asxaabtayda aan la joogo xitaa.

Habeen habeennada ka mid ah ayaa aniga iyo iyada oo wada socona oo maryna dhabbaha u dhexeeya waddada lixaad ee iyo tan dodobaad oo xaafadda Islii ayaa waaxa naga hor timid gabar dheer oo xiran xijaab madoow ………..Waa socotaaaa la soco qeybta 4aad insha allaahu….

W/Q:Abdisamad Abdulkadir Farah (Hanad)..
Email:- Cabdisamad111@gmail.com