Sidee ayuu ku billowday Jaceylka Shakira & Gerard Pique?

0
BARCELONA, SPAIN - MAY 30: Gerard Pique of FC Barcelona and Shakira pose with the trophy after FC Barcelona won the Copa del Rey Final match against Athletic Club at Camp Nou on May 30, 2015 in Barcelona, Spain. (Photo by David Ramos/Getty Images)

Jaceylka Shakira & Gerard Pique waxa uu tusaale la taaban karo u yahay mucaashaqiinta ku sifeysan waan ku arkay waan ku caashaqay. Waxay marki ugu horeysay ku kulmeen duubista heesta ‘Waka Waka’ Koobki Adduunka 2010, waxaana labadooduba ku dhashay dareen.

Iyadoo midkasta uu ogaa in qaanado xirfad oo kala duwan ay ku jiraan misana SHAKIRA AY 10sano KA WEYN TAHAY balse Pique wuxuu qalbiga ku qortay inuu helay qoftuu heybinaayay.

Waxaa soo wajahay caqabado ay kamid ahaayeen waqtiga oo cariiri ku noqday iyo xariirkeeda oo uu waayay balse markasta waxa uu maanka ku hayay inay ka heesi doonto cayaarta kama dambeysta (final) ka ee Koobka Adduunka, waxa uuna istusiyay inaysan jirin wado kale uu ku kasban karo aan ka ahayn inuu final ka tago Koobka Adduunkana ku guuleysto iyada darteed waxa uu ku dhiiraday inuu toos ugu tago kuna yiraahdo.

“Waan ku guuleysanayaa Koobkan aniga iyo adigana waxaan ku kulmi doonaa cayaarta kama dambeysta ah waxaadna goobjoog u noqoneysaa anigoo bilad la i siinayo” Axdigaas uu galay waxa ay ku kaliftay inuu laba jibaaro tababarkiisa oo habeen iyo maalin uu ka dhigo tamartiisa oo idilna isugu geeyay siduu ku guuleysan lahaa guushaas oo u suuragalineysa inuu la kulmo gabadha uu calmaday; ugu dambeyn ballanta iyo axdigii uu qaaday waa uu oofiyay isaga iyo kooxdiisana waa ay guuleysteen.

Pique kuma guuleysan Koobka Adduunka oo kaliya sidoo kale waxa uu ku guuleystay hanashada Shakira. Lammaanaha hadda guurkooda waa 7sano waxayna heystaan 2caruur ah. Waxayna caalamka u xaqiijiyeen hadii labada qof ay si dhab ah isu jecel yihiin inay Da’du tahay tiri oo kaliya!