Wadaad Caan Ahaa Oo Lagu Dilay M/ Baladweyne

0
6

Rag ku hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in Xalay Wadaad caan ahaa ay ku dileen gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaana la sheegay in Marxuumkaasi lagu magacaabi jiray Cabdi Iidow Sabriye, islamarkaana uu ka mid ahaa Culumada Dabliiqa ee Diiinta Faafisa.

Marxuumka ayaa sidoo kale mar soo noqday guddoomiyihii degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan, inkastoo muddooyinkii dambe uusan ku jirin wax Siyaasad ah.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dilku uu ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi Baladweyne, islamarkaana Raggii ka dambeeyay ay goobtay isaga baxsadeen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka M/ Baladweyne oo ku aadan dilka Marxuumkaasi.

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xalay Qarax miino uu ka dhacay nawaaxiga Garoonka Ugaas Khaliif ee magaaladaasi Baladweyne.

Waxaana ku geeriyaday qaraxaasi ruuxii aasayay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabelle ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen, kuwaas oo Saakay baaritaano ka wada agagaarka Garoonkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa falal liddi ku ah amaanka ay ka dhacayeen gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here