Akhlaaqda wanaagsan iyo fadliga ay lee dahay

0
12

Akhristow Culimada Islaamku waxey ku Sheegeen, in Akhlaaqda Wanaagsan ay tahay:-

1- in aad Dadka u Sama fasho oo aad Wanaag u gasho.
2- In aad Dadka ku dhibin, Af iyo Addinba.
3- In aad u Dulqaadato Dhibta Dadka kaa soo Gaareysa.
Culimada Qaarna waxey ku Fasireen:-

In aad Xiriiriso Cidii ku jarta, oo aad wax siisid Cidii ku siin weyda, oo aad Saamaxdo Cidii kugu Gardaroota.

Culimada Qaar kalena waxey tiraahdeen, Akhlaaqda Wanaagsan Tiirarkan ayey ku Taagan yihiin oo la’aantooda aan Suuragal aheyn, waxeyna kala yihiin:-
1- Adkaysiga amaba Sabarka.
2- Dhawrsoonaanta.
3- Geesinimada.
4- Garsoorka ama Cadaaladda.

Haddaba, Walaalka/Walaasha Muslimka ahoow, Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Akhlaaqda Wanaagsan wuxuu Qofku ku gaaraa Darajada Qafka Sooman ee Tukanaaya Habeenkii. (waxaa weriyey:- Abuu Daawuud).

Rasuulka CSW, wuxuu kaloo yiri:- Akhlaaqda Wanaagsan waxaa lagu galaa Jannada. (waxaa weriyey:- Tarmedi).
Rasuulka CSW, wuxuu kaloo yiri:- Akhlaaqda Wanaagsani waxey Cusleysaa Miisaanka Qofka Maalinta Qiyaamaha. (waxaa weriyey:- Axmed).

Rasuulka CSW, wuxuu kaloo yiri:- Akhlaaqda Wanaagsani waxay Kordhisaa Cimriga, waxayna Camirtaa Daaraha. (waxaa weriyey:- Axmed).

Haddaba, Akhlaaq Wanaagu waa Waxyaaba loo baahanay in leynaga helo, si aynu ugu toosnano Diinteena oo Dadka kele ee aan Islaamka ahayna inoogu soo Hirtaaan,
Qofkasta waa in uu Naftiis dib ugu noqdo oo Akhlaaqda Wanaagsan ku soo dabaalo, Bulshada waxaa ku dhex Faafay Akhlaaq Xumo, waa in lagu bedelo Akhlaaq Wanaag, Ilaahay Akhlaaqdeena ha Wanaajiyo.

(ilaahoow Akhlaaqdeena Wanaaji, yaa Rabbi).

W/Q:- Macoow Ustaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here