Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

0
4

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Qaraxa aayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in uu ka dhacay Xaafadda Cariga ee magaaladaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in waxyeelo ay ka soo gaartay dad shacab ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen, kuwaas baaritaano ka wada Xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Illaa iyo hadda ma jiro aah faahin ay ka bixiyeen qaraxaasi saraakiisha Laamaha Ammaanka ee maamulkaasi.

Balse waxa uu ku soo aadayaa qaraxan, xilli xalay M/ Boosaaso uu ka dhacay weerar masuuliyadiisu ay sheegteen Al Shabaab oo lagu qaaday saldhiga Booliska ee magaaladaasi.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here