Akhriso xikmado ku saabsan xiriirka

0
7

Marka Koowaad: ku Faraxsanow Waxyaabaha aad isaga midka tihiin.

Marka Labaadna Xushmee Waxyaabaha aad ku kala duwan tihiin.

1- Ogoow Inaad Xiriir fiican Qof la sameyso waa Shaqo joogta ah. Hana isku deyin inaad Shaqadaa doonato haddii aadan Diyaar u ahayn.

2- Xiriirka Wanaagsani waa marka uu Qofka Aqbalo wixi aad soo martay. Kuguna Taageero waxa aad hadda tahay, kuguna Dhiirigeliyo Mustaqbalkaaga.

3- Inaan Xiriirka lagu Murmin, laguna kaftamin waxey ka dhigan tahay inuusan Xiiso jirin. maxaa yeelay Dadka aadka isku Daneeyaa wey Murmaan, weyna wada Kaftamaan marmar.

4- Marnaba Qof Xiriir hore idinka dhaxeeyay ha daba gelin, Sirtooda ha faafin si kastoo aad u kala Dheeraataan. Ogow wuxuu Qofkaa ku aaminay xilli aad isu dhoweydeen.

5- Xiriirku waa sidi Guri oo kale, Goortii Dhalada Nalka ay gubato intaad baxdo ma soo iibsatid Guri cusub, ee waxaad Hagaajisaa Guluubka Nalka oo keliya.

6- Xiriirka wanaagsani ma aha wax iska dhaca oo iska yimaada, wuxuu qaataa Waqti, Dulqaad iyo Lamaane Waayaha adag Wadajir uga wada gudba.

7- Iska ilaaliya si kastoo aad u Murmeysaan Lamaanahaaga, marnaba kor ha u wada qaadina Codkiina, oo Cadowga yuusan idinku Farxin.

8- Ugu yeer waxaad doonto, Xod-xodasho hadaad sameyso Xilli aad Xiriir ruux kale kula jirto waa Qiyaano.

9- Qof kasta waa Garanaayaa sida Guri Qurux badan loo dhiso, laakiin dad yar ayaa garanaaya sida Quruxda badan ee loogu Noolaado.

W/Q:- Macoow Ustaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here