Dhageyso:-Howlgal qorsheysan oo Xalay laga sameeyay degmada Hodan

0

Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Xalay howlgal ballaaran ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Waxaana howlgalka uu ahaa mid qorsheysan Ciidamadu ay ka sameeyeen Xaafadda Taleex ee degmada Hodan, iyagoona ku soo qab qabtay in ka badan 400 oo ruux.

Maxamed C/laahi Tuulax Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Banaadir oo ka hadlay howgalkaasi ayaa sheegay in uu ahaa mid lagu xaqiijiyay ammaanka magaalada Muqdisho.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in lagu soo qab qabtay 427 ruux oo u badan dhalinyaro, balse la sii daayay markii lagu waayay wax dambi ah.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.