FARXADDU MAXEY TAHAY?

0

Waxay ku Daashay Hawshii Guriga, waxaana ka Muuqatay Daal Badan, waxey Isku kala Bixisay Sariirta, waxeyna soo Qabsatay Mobilkeedii, Kaas oo Daqiiqad walba ku soo Dhacaayay Fariimo (Massege) kala Duwan oo kaga Imaanaayey Asxaabteeda, waxey Isla markiiba Furtay Fariimihii.

1- Waxay Furtay Snapchat waxeyna Aragtay Sawirada Saaxiibteed Sucaad oo u Safartay Yurub, iyadoo Isku soo Sawirtay Bilicada iyo Meelaha Quruxda Badan ee ay ku Dalxiistay Iyada iyo Ninkeeda iyo ilmaheeda, Sawiro ay ka wada Muuqdaan Faraxad.

Wey ka Xumaatay Halka ay Joogto, axayna Biloowdo iney Tiraahdo Rabbi Ha idiin siyaadiyo, Inagana Mid la mid ah Rabbi hana siiyo Nimcooyinka aad Heysataan.

2- Waxay Haddana Furtay Instagram, mise waxaa Dhex yaalo Sawir ay soo Gelisay Ifraax oo ah Walaasheeda ka yar, Ninkeeda oo u Keenay Hadiyad, waxay tiri Alla hakuu Barakeeyo Aniga goormaa iigu Dambaysay Ninkayga oo Hadiyad ii keeno.

3- Waxay Haddana Furtay Fecebook Saaxiibteeda Cabiir, mise waxaa Dhexyaala oo ay Indhaheedu ku dhaceen Sawir Cabiir iyo Ninkeeda oo ka wada Casheenaaya Resturanti aad u Quruxda Badan, waxey mar kale Qalbiga ka tiri:- Anigana Halkaan baan Daal la Jiifaa Sidaan Casho u Diyaarinaayay Gurigana u Hagaajinaayay Rabbi Nimcadiina Ha idiin Dhameestiro, inagana hana siiyo.

Ka dib waxey Haddana Biloowday Marba Dhinac iney u Ragto Facebooka Iyada oo Dareemeyso Shalaayti iyo Waxyaabo Badan iney ka Maqan yihiin Nolasheeda, Balse Hilmaansan Nimcooyinka Faraha Badan ee Rabbi uu siiyay, Ugu Dambayntiina waxey Xirtay Mobilkaydii, weyna ka kacday Sariirtii ay ku Jiiftay, oo waxay u Tagtay Ninkeedii, iyada oo uga Warameyse Heblaayo iyada Ninkeeda waxay u Safreen Yurub, Heblaayo Hadiyad ayaa Ninkeedii u Hadiyeeyay, Heblaayo iyada iyo Ninkeeda Resturanti Hebel ayey Caawa ka Casheenayeen.

Ninkeeda markuu intaasi Maqlay ayuu ku yiri:- Rabbi hanoo Fududeeyo Arimaheenana Rabbi hanoo Wanaajiyo.

Intaas ka dib, waxey Biloowday Nafteeda iney Ku Tiraahdo Quraanku waa Meesha keliya Ruuxa uu Farxad ku Dareemayo Hadduu ku Kalsoonaado, kuna Camal Falo, sidaasi darteed waxey Akhrisatay Suuratu Daaha, markey gaartay Aayadda 131-aad, oo Oraneysa:- {Indhahaaga Haku Taagin wax aan ugu Raaxeynay Nooc ka mid ah Quruxda Nolasha Aduunka, si aan ugu Fidneeyno, Balse Risqiga Rabbi ayaa ka Kheyr Badan, kana Baaqi Badan }, waxey Biloowday Haddana in Badan iney Aayadaan ku Celceliso Iyada oo Oraneyso Aayada Aniga ayey ila Hadalaysaa.

Intaas ka dib Allaah ayey uga Towbad keentay Qaladkii ka dhacay, iyadoo leh Alloow Naxriistaada iigu Dembi Dhaaf.
(Alloow noo Dembi dhaaf Adduun iyo Aakhiro).

W/Q:- Macoow Ustaad.