Gabadhu maxay jeceshahay?

0
10

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran xaqiijiye.com waxaa lee nahay Jimco Wanaagsan meel kasta oo aad ku sugan tihiin.

1- Gabadhu waxay jeceshahay inuu Ninkeedu Caan noqdo oo Bulshada Dhexdooda uu Magac ku yeesho.

2- Gabadhu waxey jeceshay iney Dhegaheedu ay mar kastaan ku soo dhacaan ama ay maqasho Ninkeeda oo Dadkale Hadal hayaan Amaantiisa iyo Hormarkiisa.

3- Gabadhu waxey jeceshay iyadoo Asaageeda ugu Faanaysa iney Buunbuuniso ama ka sheekeyso wanaaga Ninkeeda.

4- Gabadhu waxey jeceshahay in hadeey soo gasho Goob lagu hadal hayo Ninkeeda Wanaagiisa Dhegaha ayey i Raaricisaa, waxeyna jeceshay ineysan goobtaasi aysan ka tagin oo ay sii joogto.

5. Gabadhu waxey jeceshay wax kasta oo ay Doonayso ama ay Diideysaba iney u sheegto isaga, si uu uga War haayo Dooqeeda.

6- Gabadhu waxey jeceshay jaceylka iyo Farxadda ka Dhexeeya iyada iyo Ninkeeda iney Bulshadu ogaato.

7- Gabadhu waxey jeceshahay inuu Ninkeeda mar kasta Hoosteeda uu joogaa oo ay wada Sheekeystaan, taasi oo uu Qalbigeedu dareemaayo Raaxada Guurka.

8- Gabadhu waxey jeceshahay Ninkeeda iney ugu Faanto Gabdhaha Asaageeda, inta badana markey Asxaabteeda la sheekeysaneyso Afkeedu kama daalo Amaanta Ninkeeda.

(Ha Waaro jaceylka, hana guuleysto).

W/Q:- Macoow Ustaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here