Iska ilaali guurkooda dumarka leh Astaamahan!!

0

JimcoWanaagsan Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Xaqiijiye.com In kastoo aynu Dhammaanteen isku raaci karno in aanu jirin Qof Boqolkiiba Boqol Dhamaystiran, waxa haddana jira arrimo Dhoor ah oo saamayn gaar ah oo Xun ku yeelan kara Ninka Guursada Haweenay ka mid ah Tobanka aan halkan hoose ku Sheegnay, kuwaasoo kala ah:-

1- TAN XANAAQA BADAN:-

Haddii gabadha aad jeceshahay ay aad u Xanaaq badan tahay, had iyo jeerna aad u timaad iyada oo Xanaaqsan, ka Fogoow Guurkeeda. Xataa haddii aad marar badan ku Guulaysato in aad dejiso, Xanaaqu dhaqan ayuu u noqday oo wey ku soo noqon doontaa.

2- TAN ANAANIGA AH:-

Haddii aad rabto in aad ku noolaato Nolol Farxad leh oo isku, ka Fogoow Haweenayda Anaaniga ah ee wax walba Nafteeda la jecel. Wey adag tahay Qofka Ceynkan ah in Nolol Raaxo leh lala wadaago, waayo wax walba waxa uga Muhiimsan waxa ay Nafteedu Doonayso.

3- TAN LACAGTA AADKA U JECEL:-

Gabadha Hantida, Lacagta iyo Dhaldhalaalka sida Xad-dhaafka ah u jeceli ma noqon karto Xaas wanaagsan oo lagu Ledo. Arrin kasta waxay ka eegi doontaa dhinaca Dhaqaalaha. Marka dhaqaalaha la waayo Jacaylkeedana waa la waayi doonaa. Iska ilaali iyadana.

4- TAN SOO JIIDATA RAGGA KALE:-

Haweeneyda mar walba isku Jejebisa Ragga kale ka dheeroow. Waa sida Balanbaalista oo marba dhinac bay u Duuli doontaa, waxeyna u badan tahay in ay Hab-dhaqankan sii wadi doonto Guurka kadib, taas oo kugu keeni doonta in aad mar walba Dadka ka Maqasho Xaaskaagii niman kale ayey la joogtay ama la Baashaaleysay. Naftaada ha ku ridin Waswaas, Hinaase iyo Madax Xanuun joogto ah.

5- TAN RAAXADA KU SOO KORTAY:-

Haweenaydu haddii ay koriinkeedii ku soo dhameysatay Nolol Raaxo ah, maalin kali ahna aan loo waayin wax ay u Baahato, waxaa Dabeecad ka noqota in wax kasta oo ay u baahato Khasab ku doonato. Sidoo kale waxa Dabeecad ka noqota in Dhaqaalaha si Xun loogu Tagri falo iyo Naf huridda oo ku yaraata. Ogoowna Ereyada ay ka mid yihiin (Lama hayo) iyo (in yar sug) kuma jiraan Qaamuuskeeda.

6- TAN XAFLADAHA JECEL:-

Gabadha had iyo jeer lagu soo Casuumo Xafladaha ee ka Qeyb gasha Xaflad kasta kuma wanaagsana Xaasnimada. Maalin kasta waxay u baahan doontaa iney si Xad-dhaaf ah u Lebisato iyo in aad ku Mashquusho Qabanqaabinteeda. Haweenayda Dhaqankan lihi sidoo kale waxey Dayacdaa Masuuliyadeeda oo Caruurteeda iyo Seygeedu ugu horeeyaan maadaama waxa maskaxdeeda ku jiraaba ay yihiin Xafladdii Xalay iyo ta Caawa soo socota.

7- TAN DADKA IS TUSTUSTA:-

Gabadha jecel in ay had iyo jeer Dareenka iyo Indhaha Dadka nafteeda ku soo jeediso ma Wanaagsana. Sababtoo ah waxey si joogto ah ugu Kici doontaa Ficilo aan caadi aheyn oo ay ku rabto in ay ku soo jeediso Indhaha Dadka si mar walba ay dadku iyada u Hadal hayaan, uguna Mashquulaan. Sidoo kale waxay Xiisayn doontaa in ay adiga Qudhaada “is-tus” kaa dhigto. Iska ilaali taasi islama keeni doontaan.

8- TAN XANTA BADAN:-

Gabadha Xanta badani ma noqoto Xaas Wanaagsan. Had iyo jeer waxey ku Mashquulsan tahay ama Xiiseysaa waxa ay dadka kale Qabanayaan iyo sida ay dadka kale u Nool yihiin si ay u hesho war ay Dadka kale la Wadaagto. Danaha dadka kale ayey jecleysataa in ay Farageliso iyada oo Danteediiba Dayacan tahay. Marar badan waxa loo qabsadaa Fadeexad la Xiriirta War ay Cid ka sheegtay mana yeelato cid ay isku Kalsoon yihiin oo Dadka badankiisa wey is Nacaan. Ka fogow iyadana.

9- TAN SALUUGA BADAN:-

Haweenayd aad jeceshahay haddii ay Saluug badaan tahay isla markaana aanay lahayn Kalsooni ay ugu Adkaysan karto Go’aan keliya Xaas Wanaagsan kuu noqon meyso. Haddii ay wax walba Labac Labac geliso oo ay Saluugsan tahay Waxbarashadeeda, Shaqadeeda, Qoyskeeda, Saaxiibadeeda, Ogoow Guurkaagana wey Saluugi doontaa, marka dambena Adiga Naftaada ayey ku Saluugi doontaa. Taasi ha Guursan waa bilaa Kalsooni.

10- TAN AAN IXTIRAAMKA LAHEYN:-

Haddii Gabadha aad Danayneyso aad ku aragto Ixtiraam la’aan badan iyo Dadka oo ay ula Dhaqanto si Fool xun, Fadlan haku degdegin Guurkeeda. Waxaa laga yaabaa iney Maanta ku ixtiraameyso, laakiin Berito marka aad Guursato Ixtiraam daradaas ay Dadka ku heyso ayaa adigana kuu taal, waayo waxani waa Dhaqan sida lagu Beddelana wey adag tahay. Haweenayda dadka kale Qaddarisa si Wanaagsana ula Dhaqanta ayuun baa adigana Hadhow ku Qaddarin doonta.

W/Q:- Macoow Ustaad.