Maxaa sabab u ah guul darrada Jaceylka?

0
9

waxan halkan ku soo koobayaa qodobo aan is leeyahay wuu burburiyaa xiriirka hankiisu yahay guur balse lammanuhu iyagu isu keenna inay kala irdhobaan.

1- Amar ku taagleyn, waxad arkeysaa in ruux uu idin ka dhaxeeyo xiriir jaceyl, ha’ahaado mid bilow ama dhex-dhexaad ah in labada ruux midkood uu qofka kale ku gumeysto jaceylka loo qabo, haseyeshe qofka lagu amar taagleynayo, marka uu helo kalkiisa Liijaanka ruuxa kale sidii iyo si ka daran ayuu ku sameysanayaa oo waxa uu qadanayaa ”Saxan saxan kugud saan saan ku gud ”, taas oo iyada xagal daacineysa hanka nolosha ay ka lahayeen labaduba, iyadoo kobana waxa ay noqoneysaa haduu ruux ku jeclaado oo adan jaceyl dib baad ka jeclan doontaa ee wanaaji si adigane laguu wanaajiyo.

2- Xiiso: isaguna ma’ahan mid sii jiraaya, inta badanna waxa uu u badanyahay jaceylka ku bilowda aragtida koobaad.

3- Dan dadban : tani waxa ay noqon kartaa in ruux ka mid ah uu jecelyahay dan gaar ah inta badanna waxa ku dhaqma Ragga.

4- Ballan la’aanta: waxad arkeysaa labo qof oo xiriir wadaag ah kuwaa oo anan midkood la heyn wax ballan ah, taas oo ruux kale uu aaminaayo in qof xunyahay ruuxa ballan ku beenlaha ah.

5-Muddo ku balamis la’aanta: u jeedka Xiriirka jaceylka waa in nolol la wadaago oo loo helo Mawadah iyo Naxariis iyo ubad kheyr qaba oo aad dunidan ku soo kordhisaan, haseyeshee waxadba u maleyneysaa markad aragto dad sheegaya in muddo dheer ay ahayeen xiriir wadaag balse ay is fahmi waayeen.

Ma is weydiisay waxa u sabab ah oo muddo intaa la eg u heshiiyeen ka dibna ay u kala tageen?

taas aniga waxan dhihi karaa marka laga soo tago calaf in iyagu sababteeda leeyihiin, wayo haday jadwal ku saleyn la hayeen xiriirkooda waxa uu noqon kari lahaa mid mira dhala, inkastoo ay ku xirantahay wadajirkooda Nololeed hadaba sida ay iyagu isugu dulqataan.

Intaas ayaan ku soo koobayaa, waad noo raacin karaa fikradaada.

W/Q:Maxamed Qadar Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here