Maxaa sababi kara in ay gabadhu ka cararto ninkeeda?

0

Akhristayaashs sharrafta leh ee ku xiran bogga Xaqiijiye.com Haddii aan isku Dayno inaan ka Hadalno Mowduuceena Maanta ee ah Maxaa Sababi kara iney Gabadhu ay ka Cararto Nineeda, Sababahaasi wey Fara badan yihiin waxaase ka mid ah:-

1- Inuusan Ninku siinin Hamiga ay ka Dooneyso Xaaskiisa, sida Hadalada Debacsan ee Laabteeda soo jiidanaaya.
2- Inuusan Ninku Daneynin ama uusan isku Taxalujin Oofinta Balamada uu ka qaado Xaaskiisa.

3- Inuusan Ninku Daneynin Nadaafada Shaqsiyadiisa, maadaama uu Ninku yahay Muraayadda laga garto Wanaagga iyo Xumaanta Marwadiisa.

4- Inuu Ninku Hamigiisa uu siiyo Arimo kale oo aan aheyn mid khuseysa Xaaskiisa, kuwaasi oo ka mid ah in lagu Mashquulo Daawashada Kubadda Cagta mise in la Ciyaaro Playstation mise in lala Qaxweeyo Saaxiibada iyadoo la Cidleynayao Xaaska.

5- In Xaaska loo Cadaabo Nafsad ahaan, Raga Qaarkood Dareenka ay Dareemayaan Nuqsaanta ayaa waxey ku Kalifeysaa iney ku Xad Gudbaan Xaaskooda, iyagoo ula Dhaqmaaya sidii Ruux Addoon ah oo ay iyagu soo iibsadeen.

6- Inuu Ninku ku Wanaagsaneyn Xirashada Dharka, gaar ahaan Xilliyada Xafladaha ay isugu imaanayaan Bulshooyinka kala Duwan, taasina waa Sababta Haweeneyda ku kalifeysa iney ka Cararto Ninkaasi aan Xiraneyn Labiska Munaasabka ku ah Xiligaasi.

7- Inuu Ninku ku Canaanto Xaaskiisa Goobaha Bulshadu ay ku badan yihiin ama Asxaabteeda hortooda, Taasi waxey ka dhigan tahay Liidid aad u Xeel dheer Gabadha dhankeeda, waxeyna Sabab u Noqoneysaa iney ka Cararto Ninkaasi.

(ilaahoow Xaqa na Fahamsii, yaa Rabbi).

W/Q:- Macoow Ustaad.