Ninku muxuu jecel yahay?

0
7

Halkan hoose ka akhriso talooyin ku socda dumar oo ku aadan ragga waxa ay jecel yihiin

1- Ninku wuxuu jecelyahay Xaaskiisa ineysan noqon mid Caan ah oo cid walba Taqaano, waliba haduu awoodo wuxuu jeclaan lahaa inuu isagoo kaliya yaqaano.

2- Ninku ma jecla Afkiisa mooyee inuu Af kale ka maqlo Hadal heynta Xaaskiisa ama Gacalisadiisa.

3- Ninku ma jecla Amaan iyo Dhaliil toona inuu cidkale uga Sheekeeyo Xaaskiisa.

4- Ninku haduu soo galo Goob lagu hadal hayo Xaaskiisa ama Gacalisadiisa wuu Dhibsadaa joogista goobtaasi.

5- Ninku ma jecla inuu wax walba u sheego iyada balse wuxuu jecelyahay iney Dareento waxa uu Doonaayo iyo waxa uu Diidaayo.

6- Ninku ma jecla inuu Gabadha Qoyskeeda barto ilaa maalinta Meherka mooyaane.

7- Ninku wuxuu jecelyahay Gabadha uu isaga Shukaansanaayo ineysan Nin kale la hadlin, balse isaga Gabar kale oo aan iyada aheyn wuu Shukaansanaa.

8- Ninku wuxuu jecelyahay inuu is Xariifiyo Habeenka Arooska, Gabadhase wejigeeda Naxdin ayaa ka muuqdo.
(Ha Waaro jaceylka, hana Guuleysto).

W/Q- Macoow Ustaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here