Qadar Oo Dowladda Soomaaliya ku Amaantay hal Arin Oo Muhiim Ah

0
1

Dowlada Qatar ayaa amaantay hab dhaqanka dowlada Soomaaliya ay kaga hortagtay qatarta Imaaraadka Carabta la doonayay Soomaaliya, iyadoo taas bedelkeed ku abaal marineysa Lacago aad u badan iyo Mashaariic hormarineed si ay ugu jabiso Imaaraadka.

Dagaal xoogan ayaa ka dhaxeeya Dowlada Qatar iyo Xulufada Imaaraadka, Soomaaliyana waxay uga mid tahay dalalka ay kusoo bandhigaan awoodooda siyaasadeed, iyagoo kala jiitay Madaxda dowlada iyo Mucaaradka.

Kulankan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo Qatar ay ku balanqaaday Dhaqaalaha waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Madaxda dalka, oo iyaguna soo dhaweeyay Balanqaadkan, sidoo kalena Qatar kaga mahad celiyay Mashaariicda ay dhawaan ka bilaabeyso Soomaaliya oo ku kacaya lacag gaareysa 200-Milyann oo Dollar Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here