Qalbiga ninkaaga habkan u soo jiido!

0
7

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Xaqiijiye.com waxa aan lee nahay maalin wanaagsan, dhab-ahaantii ma ahan wax fudud sida Ruux Bini’aadan ah Qalbigiisa loo soo jiito, balse waxaa jiro Waddooyin kuu Sahlaaya ama aad is leedahay Waad ku Hanan kartaa Qalbiga Ruuxaasi, haddaba Maanta waxaan Diiradda saareynaa Qodobadaan aan isleeyahay Gabadhu wey ku soo jiidan kartaa Qalbiga Ninkeeda, kuwaasi oo kala ah:-

  • AAMUSNAAN AY AY LA SOCOTO EEGMO JACEYL:- Marka uu Xanaaqo Ninkaada ama uu ku kacsan yahay Caruurta haku bilaabin Qeylo iyo Fal celis, isticmaal u Adeegso oo keliya Aamusnaan oo ay la socoto Eegmo Kalgaceyl, markuu degona si Debecsan ula hadal adigoo Oranaaya “Xabiibi, Carruurteyda Aabbahood Macaan badane is Deji”.
  •  YEELO FIKRAD FIICAN UNA NUGLOOW RAALI GELINTIISA:- Marka uu Qilaaf idinka dhex dhaco Tijaabi Fikradda Fiican, kuna Dhaqaaq inaad ka Cudur daarato waxa dhacay.
  •  KALSOONIDA IYO TIXGELINTA:- Haddii uu ku soo Laabto Guriga, isagoo ku soo daalay Shaqada, kula deg deg Kalsoonida, kuna Dhaqaaq inaad Dhiirageliso, kana yareysid Hadalka.
  • CARRUURTA HORTOODA KU IXTIRAAM:- Ku Abuur Tixgelin, lana soco Xiliyada Hurdadiisa iyo Nasashadiisa, kana ilaali in Caruurtiisa ay hortiisa isku Qab-qabsadaan, una kala Hormaraan Cunada oo Bar Aadaabta Cunada .
  • KU TAAGEER RA’YIGIISA:- Adiga oo la jooga Ehelkisa ama Ehelkaada Adeegso Ixtiraamka, kana Digtoonoow inaad Ra`yigiisa ku hor Qilaafto ama Hadalka ku jarto ama wax uu yiri ku Beeniso.
  • KALGACALKA & U DHAWAANSHAHA:- Dib ugu laabo Hab Dhaqamadada, marba Nooc u lebiso, Timaha u habee, iskuna day in aad Hadal Macaan ku soo jiidato sida Macaane, Qaali, Xabiibi, Nolosheyda iwm.

W/Q:- Macoow Ustaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here