Rag lagu tuhmayo Dilkii Gudoomiyihii hore ee Degmada Buule barde oo la qabtay

0

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanayaal lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilkii Gudoomiyihii hore ee Degmada Buule barde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Iidow Warsame, hadana ka mid ahaa Culimadda Magaalada Baladweyne.

Taliye Isaaq Cali Cabdulle ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in hada ay gacanta ku hayaan Afar ruux oo loo haysto falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalkaasi.

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalada Dalka iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa u taagan Xoojinta amniga Shacabka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaaya kuwa maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.