Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

0
3

Dabley hubeysan ayaa goor dhow sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga ku dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Xidigle Farxaan Barkhad, kaasi oo la sheegay inuu ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ilo deegaank ah ayaa xaqiijiyay in Marxuumka la Toogtay, xilli uu ka soo baxayay Gurigiisa oo ku yaalla nawaaxiga Jaamacaddii Gaheyr ee magaalada Muqdisho.

Waxaana la sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen, dilka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in haataan howlgallo ballaaran ay ka wadaan qeybo ka mid ah degmadaasi Hodan.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ku aadan dilka sarkaalkaasi.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho siyaabo kala duwan uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad shacab ahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here