Sheeko: Inaan Joogo Jeclaayaa!

0
7

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Xaqiijiye.com waxa aan lee yahay meel kasta oo aad joogtaan maalin/galab iyo habeen wanaagsan.

Akhristow, waxaa jiray nin Maadeey la oran jiray oo heystay nolol adduun oo raaxo leh. Wuxuu lahaa magac, hanti aad u badan, carruur xeyn ah, xaasas afar ah ah oo Alle uu isugu daray qurux iyo raaliyanimo. Xaaska afaraad oo uu soo guursaday sanad ka hor, waxey ahayd gabar yar oo qurux lala majeerto, taas oo uu ku bixiyay hanti badan oo uu siiyay hooyadeed, aabaheed iyo iyada oo uu dahab aad u badan u iibiyay.

Adduun waa qabyee, Maadeey ayaa xanuunsaday oo muddo bukay, wax walba oo lagu dabiibay waxba uma tarin, tuf iyo tacaalna waa lagala quustay.

Maalintii uu ifka ka tegi lahaa ayaa la soo gaaray oo waxaa soo fuulay sakaraatkii. Waxaa dul taagan xaasaskii, carruur badan oo uu dhalay iyo dadkii ehelkiisa ahaa. Markii ay arkeen in naftu ka socoto ayey yiraahdeen, “Maadeeyow ashahaado! Maadeeyow ashahaado!”

Maadeey wuxuu yiri, ” INAAN JOOGO JECLAAYAA ! ”

Si kasta oo la isugu dayay in Ashahaadada loo laqino, Maadeey afkiisa waa laga waayay wax aan ahayn erayga, “INAAN JOOGO JECLAAYAA !”

Ugu dambeyn, Maadeey wuxuu naf baxay isagoo leh,

“INAAN JOOGO JECLAAYAA !”

W/Q: Ismaacil Shiikh Khaliifa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here