Sidee lagu gartaa ninka inuu jecel yahay Xaaskiisa?

0
10

Run ahaantii wey fara badan yihiin Calaamadaha lagu garto Ninka inuu jecel yahay Xaaskiisa, bal aan ka soo qaadano Qodobada ugu Muhiimsan ee lagu garto, Qodobadaan Ogoow Walaaleey haddaad ku Aragto Ninkaaga aad buu kuu jecel yahay ee Dhaqaaleyso:-

– Cadowgaada wuxuu mar walba u arkaa Cadowgiisa.

– Eegmo uu kugu Eego mar walba Indho aad ka Dheehan kartid Debecsanaan iyo Nasriis, markey Labadiina Indhood ay isku Dhacaana wuxuu ku tusiyaa Dhoola Cadeyn aan Innaba Caadi aheyn.

– Mar walba wuxuu Jecel yahay inuu kula Kulmo ama uu kula Fara ciyaaro, oo intaasiba wuxuu i arkaa iney u tahay Daawadii Dhayeysay Boogtii Kalgaceylka ee Qalbigiisu ku baahday.

– Had iyo jeer wuxuu soo Dhaweystaa oo uu aad u Ixtiraamaa Cid kasta oo ka socota dhankaaga, ha noqoto Ehelkaaga ama Asxaabtaada.

– Markuu kula hadlaayo wuxuu jecel yahay inuu mar kasta kaaga hadlo Mustaqbalka, gaar ahaan Nolosha Wacan ee Reerka.

– Wuxuu kuu muujiyaa Dulqaad fara badan, mararka qaar waxaad arkeysaa Adiga oo ka Gardaran isagoo Og inuu isaga kaa Aamuso oo uu kuu muujiyo Dulqaad.

– Waa suurto gal inuu kaa Xanaaqo, balse marna ma dhaceyso inuu Qalbigiisa Cuqdad kuugu qaado, mar walbana wuxuu iska ilaaliyaa waxkasta oo Sababi kara kala Go’iina.

– Si kasta oo Cid kale Xumaan kaaga sheegto, isaga marnaba uma muuqato, waayo Agtiisa waxaad ka tahay mid Sharaf iyo Sumcad Eebe uu ku maneystay.

– Wuxuu jeclaadaa Wax kastoo aad Adiga jeceshahay oo Dookhaaga ah.

– Si kasta oo aad isugu Xanaaqsan tihiin ama iskugu Dhacsan tihiin lagama yaabo inuu Dadka Hortooda kugula hadlo ama kugu Canaanto.

– Marnaba lagama yaabo inuu kaa Xanaaqo.

– Haddaad Xanuunsan tahay, wuu kula Xanuunsadaa.

– Erey Been ah kuma arkeysid, balse waxaa dhici karta inuu Waqtiyada qaar adeegsado isagoo ku daboolaaya, Caqabado dhalin karta inuu Qoysku Dhaawac soo gaaro.

– Wuxuu kaa Caawiyaa Howsha Guriga, Haaddii aad ku Mashquusho Nadaafadda Guriga iyo Caruurta, isagoon kugu

Eegin intaasi ayuu dhankiisa ka diyaariyaa Howlihii kale sida: Diyaarinta Raashinka ama wixii kale ee Hawl i baahan.

W/Q:- Macoow Ustaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here