Talo Muhiim ah oo ku socoto Dumarka

0

Waxaa ku guursan kara ninka dadka ugu xun, sida Aasiya xaas ugu ahayd Fircoon – hadana taa kama aysan beddelin Daacadimadeeda iyo jaceylka ay Alle u qabtay.

Waxaa ku qabi kara ninka ugu wanaagsan oo ragga laga dhex doortay, sida Nabi Alle, hadana taa kuma geli kartid Janno – Sida xaaski Nabi Luut Calayhi Salaam.

Waxaad ahaan kartaa qof aan la guursan, sida Maryam hadana Alle ayaa ka dhigi kara derajadaada mid ka sareysa haweenka dunida ku nool oo dhan.

Garo Ahmiyada iyo mudnaanta cida aad siineyo iyo sidaa u kala hormarineyso! Jaceylka, Daacadnimada, Aaminaada iyo adeecida waa xaga Alle marka hoowaad.

Haddaa Alle ka jeesato, awaamiirtiisa caasido, Ogow xitaa haddii qofka dadka ugu magac, maamus iyo maal badan ku guursado kuma siin karo Farxad iyo Guul

Ha ka dhigin jirkaaga mid aad ku soo bandhigto banaanka. Ha oggolaan in laguu isticmaalo sidi aalad oo kale.

Waxaad tahay Abuurti Alle oo qurxoon. Ha u bedelin midabkaaga in aad cid ku soo jiidato ama ku hesho, qof aan kugu rabin Asal “original” oo raba in uu kugu raaco been marnaba kuuma hayo wax dhab ah. Marka aad xirato dhar Asturaad ah waxaad muujisay Iimaankaaga halki aad muujin lahayd jirkaaga.

Ogsoonow Diinta Islaamku waxay sare u qaaday qiimaha dumarka iyadoo laga soo qaaday dhulka hoostiisa lana gaarsiiyay halka u sareysa ilaa Jannada ay taal cagaheeda hoosteeda. Adigu dhulka ha is dhigin, hoos ha isu celin. Ha u baabi’in naftaada iyo noloshaada qof ama dad ku dhibaateeyay dartood. Hadaa Alle ku xirnaato, naftaada ka adkaato, wixi lagu faray oo wanaag ah ku dhaqanto, si kastoo dhib iyo xaalado adag kuu soo maraan waxaad helaysaa qanaaco, sabur iyo in Alle derajo sare ku gaarsiiyo Aduun iyo Aakhiraba

W/Q: Faarax Cawaash