Ciidamada dowladda Soomaaliya oo saakay xiray Waddooyinka M/ Muqdisho

0

Waxaa Saaka xiran qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dadweynaha Muqdisho ayaa Cagahooda Maalaya, iyadoona Saakay wax gaadiid ah aysan isticmaaleyn Waddooyin muhiim ah, sida Wadada Makka Al Mukarama ee M/ Muqdisho.

Waxaana loo sababeynayaa xirnaasha Waddooyinkan 8 February oo ah maalintii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo haatan laga joogo muddo 1 Sano.

Sanad kadib dowladda Soomaaliyaa ayaa maanta u dabaal dageysa waxqabadkeeda, waxaana la filayaa in goor dhow Munaasabad lagu maamuusayo maalintan ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Waxaana saameyn xoogan xrinashaaha Wadddooyinkan ay ku yeelatay shacabka ku nool guud ahaa magaalada Muqdisho.