Daawo Sawirrada:-Al Shabaab oo Toogasho u Tababaray Odayaal Dhaqameed

0

Xarakada Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigay tiro Odayaal Dhaqmeed ah oo ay u tababareen Toogashada, kuwaas oo ku sugan degmada Jilib ee gobolkaJubbada Dhexe.

Al Shabaab ayaa fagaaraha Macallin Aadan ee degmadaasi ku soo bandhigay Odayaashaas oo ku ku tartamayay Shiishka.

Waxaana Al Shabaab baraha Internetka ay ku baahiyeen Sawirro muujinaya tartanka, oo ay ka soo muuqdeen Odayaal ay da’dooda kala duwan tahay.

Sidoo kale warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Odayaashaasi ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa horay u tababaray Dhalinyaro, Caruur iyo Haween ku sugan deegaanada ay ka arrimayaan, kuwaas oo qaarkood haatan ka bar bar dagaalama Xarakada Al Shabaab oo weli ku xoogan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.