Daawo Sawirrada:-Madaxweyne Farmaajo Oo qaaday Tallaabo ay ku farxeen Shacabka Soomaaliyeed

0

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad guurada koowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ee 8 February ayaa Munaasabadda maalintaasi aawgeed adeegyo caafimaad ay dowladdu u fidisay qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaana qaar ka mid ah wWaddooyinka waa weyn ee M/Muqdisho lagu arkayay dhalinyaro si mudadawanimo ah ugu adeegayay Bukaano kala duwan oo ka faa’iideysanay adeegan Caafimaad.

Sawirro laga soo qaaday goobahaas ayaa mujiinaya dad kala duwan oo safaf dhaadheer ugu jira adeegaasi lacag la’aanta ah.

Sidoo kale sanad guurada koowaad ee doorashada madaxweyne Farmaajo darteed ayaa Ciidamada xoogga dalka waxaa loo qeybiyay Xoolo nool.

Waxaana Askari kasto oo xerada Ciidanka ama furumaha ku sugan la siiyay 1 Neef oo Xoolo ah.

Tallaabadan ay qaaday Dowladda ayaa ah mid ay ku farxeen Bulshada Soomaaliyeed, waxaana dowladihii ka horreeyay dowladdan lagu arki jiray in dhaqaao badan ay ku bixiyaan Munaasabado gaar ah oo aan wax faa’iida ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.