Dagaal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
10

Wararka aynu ka heleyno Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaasi ay is rasaaseyn ku dhax martay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada Somaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan Isgoyska Zoobe ayaa Warbaahinta xaqiijiyay iney maqlayeen rasaas culus oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen, inkasto dadkaasi ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay is rasaaseyntaasi maanta dhax martay Ciidamada ka wada tirsan Dowlada.

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ciidamo katirsan Nisa ay qori ka qaateen mid ka mida ilaalada xarunta Wasaaradaha Tacliinta Sare ee u dhow isgoyska Soope, taasina ay sababtay is rasaaseyn mudo dhax martay ilaaladii xarunta wasaarada iyo ciidamo katirsan kuwa xasilinta ee Nisa.

Wali lama cadeyn karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Israsaaseyntaasi, xiriiro kala duwan oo Simba ay la sameysay Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa diiday iney wax faah faahin ka bixiyaan is rasaaseynta dhaxmartay ciidamada dowladda, inkasto ay noo shegeen iney dib ka hadli doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here