Sawirro:-Maamulka G/ Banaadir oo furay Tabar lagu qaadanayo Hormarinta Nabadda iyo Cadaaladda

0

Muqdisho-08-02-2018 Tabarkan ayaa waxaa oo lagu baranayaa Hormarinta Nabadda iyo Cadaaladda ayaa waxaa loo qabtay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska, Haweenka, Dhalinyaradda, Odayaasha, iyo Culumadda degmada Kaaraan.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa sheegay in dadka tabarka loo sameenayo in ay ku jiraan ay qaadan doonaan Casharo iyo Wacyigalin ku saabsan Hormarinta iyo Iskaashiga Nabadda iyo Cadaaladda Caasimadda.

Guddoomiye tuulax ayaa sheegay in dadk Tabarkan la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir, ajeedadiisana ay tahay in Bulshada Magaalada lagu wacyigaliyo ka qeyb qaadashada Amniga Caasimadda.