Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay M/ Afgooye

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaaro geystay Saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana qaraxu uu ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, kaas oo la sheegay in lala eegtay Ciidamo ku sugnaa bar Koontarool oo ku taalla duleedka degmadaasi.

Goojoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa 2 Askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan, sidoo kalena sheegtay masuuliyaddiisa ayaa sheegay in ay ku dileen illaa 5 Askari Ciidamada Dowladda, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan qaraxaasi.

Balse Al Shabaab ayaa maalmihii dambe weeraro xoogan ka fulinayay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.