Shirka Amniga Qaranka oo maanta la soo gabagabeynayo

0

Waxaa gelinka dambe ee maanta la filayaa in la soo gaba-gabeeyo Shirka Golaha amniga Qaranka oo maalintii Isniinta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku xusan qodobadii lagu heshiiyay.

Shirkan ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka qayb galaya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, Madaxweynayaasha maamul Gobaleedyada Dalka, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo Taliyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qodobada Shirka looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka, dhismaha Ciidamada, Doorashada Soomaaliya ee 2020, iyo qodobo kale, qodobadaan ayaa soo taagnaa mudadii ay dhisnaayeen Golaha amniga Qaranka oo markii hore loogu yeeri jiray Madasha Qaranka xlilgii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxda ka qayb galeysa Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qayb galaan xaflad loogu dabaal dagayo sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta ku beegan.