TOP NEWS:-Abwaan Guure oo loo magacaabay Xil Muhiim ah

0

Siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Iidaan Yoonisa yaa maareeyaha Goloha Murtida Iyo Wacyigelinta u magacaabay Abwaan Cusmaan Cabdulaahi Guure,isagoo xilkii ka qaaday maareeyayaashii hore ee Golaha Murtida.

Sidoo kale sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta ahna ku xigeenka ayaa  Cabdikariim Faarax Qaareey u magacaabay maareeye ku xigeen Goloha Murtida Iyo Wacyigelinta.

Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa hore loo dhihi jiray iyadoo hadda  loo bixiyey Golaha Murtida iyo Wacyigelinta.