Warbixin:-Sanad Kadib wax qabadkii  iyo Caqabadihii la soo gudboonaaday DFS

0
2

1 Sano ayaa ka soo wareegtay markii  hoggaanka dalka  uu Majaraha u qabtay Madaxweyne Farmaajo kaas oo la tilmaamo in uu yahay Hoggaamiye Shacab marka loo eego Taageerada Baaxada leh ee uu ka heysto Shacabka Soomaaliyeed.

Dorashadii 8 February 2017 markii uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  waxa uu  sheegay in Baarlamaanka Soomaaliyeed ay u hiiliyeen Isbedel doonka islamarkaana ay ka turjumeen Rabitaanka Shacabka, isagoo cod dheer ku sheegay in  guusha uu ka soo hoyay doorashadaasi ay tahay guul u soo hoyatay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Taasi waxaa ka marqaati kacay  Shacabka oo  inta badan Gobollada dalka iyo dibaddiisa ka dhigay dibadbaxyo ay ku taageerayaan Guusha Madaxweye Farmaajo , waxaana jiray Hal ku dhigyo caan baxay oo lagu soo dhaweeyay Maxweynaha sida Wiil dhalinyaro ah oo ku caanbaxay Habeenkaas Magaca Ar Farmaajo Iigeeya , kaas oo koox dhalinyaro ah ay ka daba jiibinayeen Waa Laguu geynaa.

Ar Farmaajo Iigeeya ayaa noqday shaqaalihii ugu horeeyay ee dowladda Madaxweyne Farmaajo  dowladdiisa ka mid noqdo waxaana haatan uu ka tirsan yahay Howlwadeenada Villa Somalia.

Meelaha dabaal dagyada waaweyn ay ka dhaceen waxaa ka mid ah  Xaafadda Islii oo ka tirsan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudada sanadka ah ay Jirto dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa la tilmaamay in wax badan ay u qabsoomeen , sida Kasbashada Shacabka, bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada , soo clintii heybaddii dalka marka loo eego qaadashada go’aanada Masiiriga ah sida Mowqifkii ay iska taagtay Khilaafka wadamada Khaliijka, Kororka Dakhliga dalka , sida uu qabo Aqoonyahan Cabdullaahi Nuur Xaashi oo la soo shaqeeyay sirdoonkii dowladdii dhexe ee Allaha u Naxariistee Maxamed Siyaad barre kaas oo ku sugan dalka Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa Jira qodobo kale oo wax ku ool ah dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo mudada sanadka ay jirtay ay wax ka qabatay sida hirgalinta Xarumo loogu tala galay Agoonta Soomaaliyeed sida Kafaala qaadidii Madaxweynaha ee Agoonta ay gacanta  ku hayaan Taliska Asluubta Somaaliyeed , hirgalintii Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka gooriyoodeen Ciidamadii Booliska, safarkii Madaxweynaha uu ku soo kala bixiyayay Gobollada dalka oo uu ku soo dhagax dhigay Mashaariic kala duwan kuwaas oo haatan  dhaqan galintooda qaarkood la dareemayo saan saan ku aadan sida Dekedda Hobyo, Kaalintii ay ku lahayd Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca oo ay ku fashilantay dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh,  soo celintii Maamulka Hawada Soomaaliya oo Mudadii bur burka kadib laga maamulayay dalka dibaddiisa haatan looga arrimiyo Muqdisho iyo qodobo kale haka reebin sida ay ula tacaashay Abaarihii ku dhuftay dalka iyo gurmadkii loo fidiyay agoontii Waalidiintooda ay ku geeriyoodeen Xasuuqii Soobe ka dhacay 14kii October 2017.

Hase ahaatee  waxaa jira Caqabada la soo gudboonaaday Mudadaasi ay jirtay Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Mudadaasi sanadka ah oo ay ka mid yihiin Kiiska dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, Dhacdadii Bariire ee Ciidamada Maraykanku shacabka ku laayeen, iyo weeraro u muuqday kuwa Siyaasadeysan oo lagu qaaday guryo Masuuliyiin iyo siyaasiyiin ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho sida weerarkii Hoyga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame iyo weerar kale oo lagu qaaday Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Waxaanu sugnaaba waa Seddexda sano ee  nagu soo fool leh waxa u hagaaga iyo waxa ay ka habsaanto dowladda Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo  uu Majaraha u hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here