Puntland oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab

0
2

Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Wacays oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen illaa 4 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

Waxaana uu tilmaamay in Raggaasi laga qabtay deegaanka Calmadow oo qiyaas ahaan 37 KM u jira magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.

Guddoomiye Wacays ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka socdaan duleedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka hortagi doonaan dagaalyahannada Al Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya deegaanada maamulkaasi Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here