XOG:-Muxuu Sheekh Mukhtaar Roobow markale u tagay magaalada Baydhabo?

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga ee Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cabdi Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay qorshaha dhaq dhaqaaqa ee Sheekh Muqtaar Roobow Cali uu ka wado deegaanada Maamulkaasi.

Waxaana uu sheegagy Wasiirku in ay ka war qabaan dhaq dhaqaaqa Wadaadkaasi uu ka wado gobolladda Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdirisaaq Cabdi Aadan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga ee Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in deegaanada maamulkaasi ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Waxaana uu timaamay in howlgalladaasi uu hormuud ka yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo horay uga tirsanaa Al Shabaab.

Sheekh Muktaar ayaa hadda ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu u joogo abaabullo dagaal oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.