AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Markale Guul Taariikhi Ah Gaaray Isagoona Awoodiisa Tusay Dowlad..

0

Muqdisho (Xaqiijiye Online ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo oo dhawaan sanad jirsaday ayaa guul taariikhi ka gaaray wadahadal toos ah oo uu la galay Dowladda Imaaraadka oo mudooyinkii danbe ku howlaneed taageerida Mucaaradka Dowlaada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo latiliyaashiisa ayaa siyaaba kala duwan ula kulmay Safiirka Dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya iyagoona kala hadlay fara gelinta ay Dowladiisa ku heeyso Siyaasada Soomaaliya.

Wadahadalan ayaa mudo si hoose u socda iyadoo ugu danbeyn dhawaan banaanka loo soo shaac bixiyay kulamada labada dhinac ay qaataan.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo latiliyaashiisa ay toos Imaaraadka ugu cadeeyeen in Dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan Karin dhaqanka Dowladda Imaaraadka eek u aadan siyaasada Soomaaliya.

Wararka ayaa inta ku daraya in Dowladda Imaaraadka naf ahaanteeda ay dareentay in laga guuleeystay oo Madaxda Dalka ay yihiiin kuwa ad adag oo aan si fudud aan loo wiiqi Karin.

Dowladda Imaaraadka ayaa ugu danbeyn loogu baaqay in ay joojisa gabi ahaanba taageerada ay siiso Mucaaradka Dowladda uu majaraha u hayo Madaxweyne Farmaajo,waxaana ila ku dhaw Madaxtooyada ay sheegayaan in Imaaraadka uu aqbalay joojinta taageerada Mucaaradka.