Dowladda Mareykanka oo Xayiraad kusoo rogay Ganacsato uu kujira Muwaadin Soomaaliyeed.

0

Dowladda Mareykanka ayaa Xayiraad kusoo rogtay 3 nin oo kala ah maamulada 3 Shirkadood oo laga kala leeyahay wadamada Wadamada Philippine, Turkey iyo Somalia.

Waxaa lagu eedeeyey shaqsiyaadkaan iyo shirkadahooda in ay taageereen kooxo argagixiso oo ka kala dhisan dalalkaasi.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu eedeeyey waxaa kamid ah Diyaaradaha Duuliye la’aanta ah ay u iibiyeen Kooxa uu Mareykanka ku sheegay in ay ku jiraan Liiska waxa uu ugu yeeray Argagixisada.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciqaab adag lagu soo rogay Abdulpatta Escalon Abubakar waxa uuna dhaqaale ugu deeqay shabakado argagixiso oo filibiin ka jira.

Yunus Emre Sakarya oo Turki ah, misana leh Shirka Profesyoneller Elektronik waxa uu ku eedeesan yahay in uu Dowladda Islaamka u iibiyey Diyaarado Duuliye la’aan ah.

Ninka Saddexaad waa Maxamed Mire Ali Yuusuf waxa uuna leeyahay Shirkadaha Liibaan iyo Al Mutafaq waxa uuna loo heystaa in uu taageeray kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.

Mareykanka ayaa Xanniba shaqsiyaadka uu u arko in ay taageeraan Kooxaha ka dagaalama Wadamo Soomaaliya ay kamid tahay, isagoona u arka in ay kooxahaasi dhaqaale ka helaan Ganacsatada.