Madaxweynaha Kenya Oo Ka Hadlay Xaalada Amni Ee Dalkiisa Isagoona Sheegay In Weerara Ay…

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in milateriga dalkaasi ay ka hortageen weeraro Al Shabaab ay doonayeen in ay k geyestaan gudaha dalkaasi.

Mr Uhuru Keynyatta ayaa sheegay in Al Shabaab ay ku guul dareysteen muddo 2-sano ah in ay weeraro waa weyn ka fuliyaan gudaha Kenya, taasina ay keentay dadaalada dheeraad ah ee ay sameeyen Ciidamada dalkaasi.

Madaxweyne Kenyatta oo ka hadalayay Munaasabad tababar loogu soo xirayay   Cutubyo cusub oo ka mid noqonaya Milateriga dalkaasi ayaa hoosta ka xariiiqay in Ciidamada Kenya ay badbaadiyeen, xilli dalku uu ku jiray waqti adag.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalkooda ay ka difaaci doonaan Al Shabaab iyo cidkaste oo isku dayda in ay dhibaato ka samayso.

Al Shabab ayaa weerarkii ugu ba’naa dalkaasi ka geystay Jaamcadda Gaarisa halkaas oo ay ku dileen ku dhawaad 200 ka mid ahaa ardayda Jamacaddaas.