Maxkamad ku taalla Kenya oo mudadii xariga ka dhintay nin ka tirsanaa Al Shabaab

0

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ka cafisay xukun xabsi daa’in ah oo 6 Sanadood ka hor lagu riday muwaadin u dhashay dalkaasi oo lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab

Elgiva Oliacha oo 35 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ku laug lahaa weerar ka dhacay gudaha dalkaasi sanadkii 2011-kii, kaasi oo lagu qaaday Gaari Bus ahaa oo ku safrayay gudaha dalkaasi.

Maxkamadda racfaanka ee dalka Kenya ayaa sheegtay in muwaadinaasi hadda laga cafiyay xabsi daa,inki hore loogu xumay, iyadoo uu dhameysan doono 15 Sano oo xabsi ah.

Muwaadinkaasi uu dhashay dalka kenya ayaa waxaa dambiyada loo hesyto ka mid ah  weerar argagixiso oo ka dhacay wadaada gasha magaalada Nariobi iyo iyo hoygiisa oo ku yaalla magaalada Kwale ee gobalka Xeebta laga helay qoray AD47 ah iyo Rasaas.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa sheegay Oliacha uu diinta islaamka qaatay sanadkii 2005, iyadoo xilligaasi la sheegay in uu ku biiray Al Shabaab, isagoo u gudbay dhinaca Soomaaliya.

Waxaana muddo kadib oo Soomaaliya ku soo qaatay tababaro uu dib ugu soo laabtay Kenya isagoo xilligaasi Al Shabaab u qaabilsanaa in uu ku soo biiriyo dhalinyaro badan oo reer Kenya ah.