Qaraxyo iyo Weerar Toos ah oo lagu qaaday Guriga Masuul caan ka ah Muqdisho

0
4

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo, xalay lagu weeraray hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo mar soo noqday Gudoomiyihii Degmada Hawlwadaag, iminkana ah Sarkaal ka tirsan hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Qaraxyada oo ahaa bambooyinka nooca gacanta laga tuuro, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Guriga Jacfar ayaa wuxuu ku yaalla Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan nawaaxiga Iskuulka Dhagaxtuur, wadada ka baxda Isgoyska Dabka ee dhanka Bakaaraha aada, waxaana la sheegay raggii qaraxyada ku weeraray hoyga Jacfar inay baxsadeen.

Warbaahinta ayaa sheegaysa qaraxyadaasi inay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ah oo ka agdhawaa guriga Jacfar, halka ruux kalena uu ku dhaawacmay.

Afhayeenka Wasaaradda amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay tageen goobta ay wax ka dhaceen, inkastoo aysan ku guulaysan soo qabashada raggii falkaasi gaystay.

Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ah Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya, dhawaana waxaa laga qaaday xilka Taliyihii hawlgalada Ciidamada NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here