Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dil ka geystay magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Barqanimadii maanta loogu geystay nawaaxiga IsgoysKa Sanca ee magaalada Muqdisho.

Dilka Askarigan ayaa yimid kadib markii ay murmeen Askar kale oo ka tirsan Ciidamada, taas oo isfaham waa kadib keentay in la dilo Askarigaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Askartii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Waxaana lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dolwadda, kuwaas oo ku raad jooga Askarti ka dambeysay dilkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi.