Dowladda Soomaaliya oo dib u soo celinaysa Maxabiista ku xiran dalka Liibiya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado qorshe ay dib ugu soo celneyso Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalal ay ka mid tahay Liibiya.

Waxaana Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi i oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA -da uu sheegay in Dowladdu xoogga saarayso hanaanka dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed si ay mar kale ola midoobaan waalidiintooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii dambe waday dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka iyo Maxabiistii ugu horeesay laga soo daayay Wadamada Itoobiya iyo Hindiya taasoo ka dhigan guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.