Qatar oo mashaariic horumarineed ka fulisay Gaza iyo Soomaaliya

0

Dowladda Qatar ayaa mashaariic horumarineed ka fulisay marinka Gaza iyo Soomaaliya taas oo ay ka faa’iideysteen kumanaan ruux, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xafiiska gargaarka ee Qatar.

Madaxa xafiiska gargaarka Qatar ee Gaza Maxamed Abuu Xaluub ayaa sheegay in boqolaal oo reer Falastiin ay ka faa’iideysteen barnaamijyo kala duwan oo ay ka fuliyeen marinka Gaza sanadkii hore.

Sidoo kale Cabdul Nour Mirsan oo ah agaasimaha gargaarka Qatar ee Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariic kala duwan oo ay ka sameeyeen Soomaaliya sanadkii hore ay ka faaiideysteen 61,847 ruux.

Qatar ayaa xustay in mashaariicda kala duwan ay ka fuliyeen Soomalaiya iyo Gaza ay isugu jiraan Doomo Kalluumeysi, Beero,Dukaamo ganacsi iyo waxyaabo kala oo lagu caawinayo dadka ugu saboolsan.

Ujeedka mashaariicdaasi ayaa waxaa dowladda Qatar ay ku sheegtay in looga gol leeyahay sidii dadka ku jira nolosha faqriga ah loogu abuuri lahaa barnaamijyo ganacsi oo ay ku shaqeystaan, si ay noloshooda ugu maareeyaan.

Xafiiska gargaarka ee Qatar ayaa sheegay in sanadkan 2018 ayaa Gaza iyo Soomaaliya ay dib ugu bilaabeen barnaamijyadaasi horumarineed oo ay sheegeen in ay wax badan ka qaban doonto dhibaatooyinka dhinaca shaqo la,aanta