Waa sidee Saakay xaaladda degmada Afgooye?

0
7

Waxaa saakay degan xaaladda degmada Afgooye ee gobolka Shablaha Hoose, kadib markii Xalay ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in saakay jawigu uu yahay mid nabad ah, islamarkaana ay xaaladdu caadi ku soo noqotay.

Cabdiqaadir Cismaan Nuuno Taliyaha ciidamada Booliska ee Afgooye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al Shabaab ay weerareen meel banaanka ka ah degmada.

Waxaana uu tilmaamay in Ciidamado dowladda ay iska caabiyen weerarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegay in u gadaha u galeen magaaladaasi, islamarkaana muddo kooban ay la wareegeen halka ay weerareen, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya degmada Afgooye, halkaas oo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here