Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo la wareegay degmada Awdheegle

0
2

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay Saakay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamadu ay howlgal kula wareegeen degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada dowladda lagu arkayo gudaha deegaanadaasi.

Waxaana dadka deegaanku ay tilmaameen in dagaal kooban, kadib  ay u suuragashay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya in ay la wareegaan deegaanadaasi oo dhaca duleedka magaalada Afoogye ee gobolka Sh/ Hoose.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaasi ayaa sheegay in ay ku sii jeedaan deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Mana  jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan la wareegitaanka deegaanadan.

Balse muddooyinkii dambe Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday  gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here