Gaari Xumuul ah oo Miino ay kula qaraxday duleedka degmada Balcad

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Saakay qaarax xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Waxaana qaraxu uu ahaa nuuca Miinada dhul lagu aaso, taas oo la sheegay in la kacday Gaari Deyno ah, oo Dhuxul ka doonayay nawaaxiga degmadaasi Balcad.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qarxaasi uu ku Geeriyooday Darawalkii Gaariga, sidoo kalena uu ku dhaawacmay Nin kale oo la socday Gaarigaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan qaraxaasi.

Balse waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo Ciidamada dowladda, kuwaas oo baaritaano ka wada duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.